Fursad Tababar Gabdhaha Daneynaya Barashada Suugaanta Soomaaliyeed Siiba Curinta iyo Tirinta Buraanburka

Hey’adda Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Weriyaasha ah ee Soomaaliyeed ee SOWJRA oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho kana shaqeysa xuquuqda weriyaasha dumarka ah ee ka howlgala saxaafadda iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo filimada. SOWJRA waxay qorsheynaysaa inay xoojiso hibada gabdhaha dhalinyarada ah ee daneynaya inay bartaan suugaanta Soomaaliyeed siiba Buraanburka si ay hibadooda suugaaneed ugu adeegsadaan xoojinta xuquuqda dumarka iyo suulinta tacadiyada kala duwan ee lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed.

Haddaba, anagoo ka duuleyna qorshaha kore waxaan qabaneynaa tababar soconaya muddo 6 maalmood ah oo ku qabaneyno magaalada Muqdisho, kaasoo aan ku bareyno gabdhaha isku-maleynaysa ama daneynaya hibada suugaanta, barashada curinta maansada Buraanburka. Tababarka oo ay bixineyso Abwaanad aqoon iyo khibrad u leh suugaanta Soomaaliyeed, siiba Buraanburka taasoo ku siineysa aqoon iyo leylin la xiriirta curinta iyo tirinta maansada siiba Buraanburka, waxaa lagu baranayaa casharo kala duwan siiba barashada qaabka loo sameeyo maansada buraanburka iyadoo la eegayo xeerarka kala duwan sida habka qaafiyada, xaraf-raaca ama qadanka, habka miisaanka maansada, dheelitirka maansada yo wixii lamid ah ee khuseeya xeerka sameynta maansada.

Hadaba, hadaad daneynayso fursadan oo aad joogto Muqdisho iyo nawaaxigeeda buuxisana shuruudaha hoose waxaad soo codsan kartaa kana faa’iideysan kartaa fursadan:

  1. Waa inaad tahay gabar dhalinyaro ah oo da’deedu u dhaxeyso 18-30;
  2. Waa inaad ku nooshahay Muqdisho iyo nawaaxigeeda;
  3. Waa inaad daneynayso barashada suugaanta Soomaaliyeed, siiba Buraanburka;
  4. Waa inaad diyaar u tahay inaad hibada Buraanburka u isticmaasho xoojinta xuquuqda dumarka iyo suulinta tacadiyada kala duwan ee lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed;
  5. Waa inaad diyaar u tahay inaad soo saarto hal maanso inta lagu guda jiro tababarka iyadoo ay kaa caawin doonto Abwaanada;
  6. Waa inaad waqti u helayso tababarka oo la qabanayo asbuuca u horeeyay ee August, waana inaad diyaar u tahay inaad si joogto ah usoo xaadirto 6-da beri ee tababarka socdo oo aadan maalina ka maqnaan.

Hadaba hadaad buuxisay shuruudaha kore, waxaad soo codsan kartaa inaad kasoo qayb-gasho fursadan tababarka ah adigoo buuxinaya Foomka hoose ee isdiiwaangelinta tababarka, kuna dhufanaya “Submit” markaad buuxiso. Fadlan hubi inaad ku buuxiso macluumaadkaaga oo dhameystiran.

Foomka Isdiiwaangelinta wuxu xirmayaa: July 25, 2023

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *